Posts

CALAAMADAHA KHATARTA AH EE FAALIIGA.

Image
Faaliggu waa xanuun khatar ku ah badqabka caafimaad ee maskaxda. Faaliggu waxa uu dhacaa marka maskaxdu ay dhiiggu uu ka xidhmo 80%  oo ah in ay xinjir ay xidho , 13% uu xidid furmo oo maskaxdu wada dhiig ay noqoto. Faaliggy waa xanuun jiitama,saameyn aad u balaadhanna qofka kaga taga sida in xubnayaasha muhiim ka ah ay shaqada gabaan ,in qofku  uu noqdo qof dhul jiif ah oo ay kusoo degdegaan dhamaan xanuunada khatarta ah sida xinjir xidha wadnaha iyo sanbabada. Todobaad ka hor  inta aanu qofku uu faalig ku dhufan calaamadahan ayuu yeeshaa:-  -  Awood la'aan xubnayaasha ah   -  Kabyuuyo dhinac ah.  - Aragtida qofka oo haydh haydh saarmo. - Qofka oo ay ku adkato in uu socdo. - Diidid iyo qofka isku dheeli tirmi waaya. Calaamadaha qofka marka faaliigu u ku dhaco lagu arko waxa ka mid ah :- - Hadalka qofka oo la fahmi waayo. - Dhinac oo  shaqada gaba lug iy gacan . - Gariir aan kale joogsi lahayn. - Gacan iyo lug awoodoodu hoos u dhacdo. YA...